VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Kalgacalka daadihi mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Saciid Mire Xaydar
Kalgacalka daadihi

Gudcur dama
Hagar dumay
Dayax nuur soo iftiimoo
Indha nuurka diishaay

Dadyaraanta ma ogtahay
Hadi laguma dayee
Duunyaleeda ma ogtahay
Deeq laguma dhaafee
Hogoobeey dantaadana
Xiisad laguma daahee

Da,da maanta joogtiyo
Gidigoodba dumarkii
Tii aan ka doortee
Naftaydu damacdaay
Wax dhaqaajiya jiidhkiyo
Diiday ha igu oranine
Kaligaa ciilka daadihi

Diraac kulul diradaada
Duunyo laguma oodo
Maqal looma daatee

Daw galooftay ma ogtahay
Waxba lagama dhashee
Duud rarata ma ogtahay
Cid looma doontee
Hogobeey darmaan wacan
Lama dilo dhagteedee

Waxba yaanan ku daaline
Biyo kula dakeeyiyo
Isku daba xa joogtee
Doodaad i leedahaa
Dambi iigu suganyahayoo
Dawadaadi ma ahiye
Mid kale ka daydayo

Naftan dhabatan
Aan daraysantii
Tii daawadeediyo
Danteeda noqotaay

Diifteedu ma ogtahay
Inay adi dartaa tahay
Dab baxaaya ma ogtahay
Inuu daqar jacayl yahay
Hogobeey ruux ku dagan
Dabin looma qodee

Da,da maanta joogtiyo
Gidigoodba dumarkii
Tii aan ka doortee
Naftaydu damacdaay
Wax dhaqaajiya jiidhkiyo
Diiday ha igu oranine
Kaligaa ciilka daadihi

codkii Saciid Mire Xaydar