Allaa faxanee ruuxii
qurux uu ku faaniyo
filsan loo abuuroo
lagu fara-yareystoow
Ha la yaabin foolxumo
fajac yeeysan kugu noqon
farsamada ilaaheey
filka laguma caayee!

Allaa faxanee ruuxii
figta dheer la gee’iyo
ishii loo fatahayee
ceyr laga fogeeyo
Ruux farakhu maranyahey
ha u faanin waligaa
ileen farajka Eebaa
markuu doono furayee

Allaa faxanee ruxii
fursad weyn la siyo
intuu fuulay meel sare
amarkiiso fulayo
ha fudeedeysan aadmigu
ha ku beerin fuleynimo
waxa fali Ilaahba
ileen fiirsanaaye.

Exit mobile version