naf jacayl damqoo
damac kuu galoo
daruuraha cirkiyo
xidigaha dagtoo
marna soo dagayn
usoo dabac

anigaba deeqaay
daraadaa jacaylku
ima daayo anigoo
darisbaan noqonee
duhur iyo habeen
habeen iyo duhur
wuu i daaliyee

aan dalxiisne ee
kaalay ila dawaaf

dalxiisnowaan dalxiisaynaaye
dunida aragno ee dunida arno ee

nafta dookha caashaqu
kuu dabroo
dardaaran hadaliyo diiday hadal
adi dartaa usoo dabac

anba daymadaadaan ku ildoogsadaayee
dahab iyo waxaa tahay dun xariira quruxeey

Exit mobile version