wadnihii fayoobaa
faalada haweenkiyo
faduushooda daayay
adigaa furfurayoo
halbawlaha ku faafee

feedhaydii bidixeey
faaliye shaykhiyo
aduu fiqi ku sheegee
ila furdaame caashaqq

furihi jacaylkaay
filkeed taan ka doortaay
fahmo iyo aqooneey
faysadaan jeclaayeey
farxad igula nooloow

fooraha dabayshiyo
sida falaga meeraa
fagaarahaan imaadaba
faaqidaa maanta
waan kugu fikirayaa

xuural cayntii fardawsaay
markii aan ku fiirshaa
cishqi igu fogaadoo
waad igu filnaatee
adaa igu filnnaadee

Exit mobile version