hooyo iyoaabihii
RABI iga abuuree
aduunyada i keenoow

abaydin anigoo ah
anoo ayni doora jira
kuwii i ilaalayee
asluubta iga toosiyow

alifka kuwii ii dhige
islaamnimoigu korshow
abaalbaan idiin hayaa
ifkana naxaariis ku hela
aakhiro janadii udgoon

aabo iyo hooyadii
jecel aragtidaydeen
ku ildoogsanaayow

asal dhaqankayga iyo
aqoon lagu arinsadaba
indhaha kuwii ii fure
aduunka aan ka eegtayow

Exit mobile version