labi baxay la moodyeey
luquntaada dheeriyo
cabaadhyaha ku ladhanbaa
kalgacayl i laacoo
midabkaagan luulka ee
lalan daruurta curatayoo
laac baxay la moodaa
anba laba lagdoodee

sida laabatada goys
intoo looka lagu dabay
laamuhuna xajinayaan
lega ma isu qabana
inago ah xalaal ah

laxiibaay gobaadey
laafyahaaga socodkiyo
xaragadaad la ciirtaa
liishaan ku raacdoo
timahaagan laydhiyo
dabayshu ay lulaysaa
laab kiciyay beerkoo
ladaadyaa i qaadee

Exit mobile version