raxmaay walal jaceyl kuwaarnoo
raxmad eebe shubayo
rays iyo bar waaqale
reexaan udgoon weeyee
wehel iyo rafiiq weeyee
ruuxba ruux weeyee
warxada aduunyada
ee ruun alahydaa
ruuxba ruuxa uu rabo
iyadoo la raacsho
reer ay wada dhistano
ubad ay rabeystaan
isku raagaan waligod
raxmaay marna jaceylku waa raran
ubadkiyo wadnaha gala
riyo aan dhamaaniyo
rax rax beena weeyaan
ruuxa uu haleela
kama roori karayo
rafaad iyo dhib weeyaan
ee ruun lahaydaa
ee ruuxba ruuxa uu rabo
iyadoo la raacshoo
reer wada dhistaanoo
isku raagaanoo
ubad wada rabeystaan

Exit mobile version