inkaastoo ay haweenkiyo
ragu haatan simanyihiin

hadana waynu iska ognohoo
way iska hido raacaan
hal adayga dumarkee

adigoon halkii marin
kibirkii aad barateen
hawraarta dheeriyo
hadal uu wadkii galay
ha inagu haraadini

adigiyo hankaaguba
hoos intaad u noqotaan
danta lama huraanka
hareeraha aan qabanee

soo haabo hobo oo kac
waaxaan kuu hayaa
hadhuub caashaqe
hooyoo dhan

sida hego roobiyo
waqal hoos ka da'ayiyo

intay hoorimaad dhaba
anba hadiyo laaceed
intaad haybad leedahay

iyo halalac iyo muuq dheer
gurmadku hakuun yahay

in lagu hareer mari
san hore badh kuu yidhi
ragna kuu hanwaynyahay

Exit mobile version