wacan daymadaadiyo
dabcigaagan jeceloo
dunidaba dhamaanteed
dookhaygii noqotee

tii naftayda deeqdaay
dadab taan wadaagnaay
wadnihii damqanayaad
dawadiisa noqotee

dawooy addiga mooyee
dumar kale ma eegee
DAAIM mahadii weeyaane
ha ku daayo MAWLUHU

marka nolosha daawado
DEEQLUHU na siiyaa
waan kub diirsadaayoo
farxadbaan dareemaa

daahiyad waxaad tahay
khadkiyo garashada
dariskiyo xigaalkuba
ay wada duceeyaane

Exit mobile version