aduunyadu waa dhib iyo nacab
dadbaa ku dhex nool xumaha wada
aadmiga dhabtii rabin
inay laba ruux dhistaan aqal

labada kalgacaylka dhaansada
jacaylka dhidbee is dhaarsada
sidii caanaha u wada dhama
kuwaa xumahooda soo gura

dharaaro midkaad sidaa jecelee
inuu ku jabshee dhabarke garo'oo
dhamays adigoo ah ruuxyahaw
ha noqon qof is dhiiba goor qudha

naflaha dhalanteedka weheshada
dadbaa dhaldhalaalka kugu raba
markaad dhibantayna kaa taga
markaad dhacdana qaar farxaa badan

nafyahay u dhug yeelo waayaha
xasuuso dhitayso maalmaha
adigoon taadiiba meel dhigin
dhaliisha ha raadin ruux kale

dharaaro midkaad sidaa jecelee
inuu ku jabshee dhabarke garo'oo
dhamays adigoo ah ruuxyahaw
ha noqon qof is dhiiba goor qudha

Exit mobile version