quruxda haybadaada iyo hanaanka
dabaca iyo xishoodka hibada
rabi kuugu deeqay ayaan hablo
kaaga doortay
hadafka qoolkaaganiyo kartida
hufan iyo garaadka sharafta
rabi kugu hagoogay ayaa
hanka maanka deeqay

hiigsiga taan goobayaay haraad
biiyaay dhabtii markaan ku helaan
xamdiyay
hamigu kuu doonayoow waxay
talo ii hagaagtay qudhayda
markaad hantiday

sidaad iigu hiilisay inaan kuu
hagar baxo xayaatii anaa u heelan
naftaa kuu hanuunsanoo
inaan kuu hogaansanaado
xabiibi anigaa u heelan

Exit mobile version