1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
allahayoow dadkii
inta aaday dibadaha
dacalada aduunyada
daadsanoo qaxootiya
ma helaan daryeel wacan
daltabyana usii dheer
dawarsiga shisheeyaha
waxa uga sii daran
doorsimada dhaqankiyo
dayacnaanta diintee
daalayoo dhibtoonayee
nabad lagu dakeeyiyo
dib la isugu waraystiyo
xaal dagdaga allahayoow
allahayow dadkaygii
inta aan dalkogii
marna dibada uga bixin
dilka iyo iska bookiyo
dulmigiyo xadgudubka
darxumada iyo gaajada
deegaankooda baaba,ay
waxa uga sii daran
dabka nimanka shidaye
xukun damacu kaga jiro
daalayoo dhibtoonayee
nabad lagu dakeeyiyo
dib la isugu waraystiyo
xaal dagdaga allahayoow