VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waan kula hayaa - Lyrics

Hanaan iyo qurux haween Hufnaaniyo dhaqan haboon Midaan lagu haysaneey Maxaan haniyeey ku tabay Horseedkii rageeniyo Halyaybaad tahay la hubo Naftuna way kaa heshee Miyaa lagu huri karaa Hidaha dhaqankeeniyo Haybada gaareed sidiyo Codkeeda halaasiga ah Midii igu haqab tirtaay Maxan haniyeey ku tabay Magaca hubaalee bixiyo Heesaha lagu wada nastiyo Hawraartaadiyo murtida Dadkuba wada hadal hayee Miyaa lagu huri karaa Adoo ii heelaniyoo anoo kuu hamun qabaa Hadaan is helnoo mid nahay Farxada hoygeena iyo Macaankeedii helnee Xamdi halkaa ka hay Anoo kuu heelanoo Anoo kuu qaba hamuun Hadaan is helnoon mid nahay Hankayga siduu rabiyo Guuliyo libinbaan hantoo Siyaad waan kula hayaa
Queue is empty
-- / --