VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waadiga dugsiyada - Lyrics

Waxaan ahay waadiga dugsiyada Waxaan ahay waanada macalinka 2× Waagii baryaba, ubax laga waraabshoo Waagii baryaba, ubax laga waraabshoo Waxan u welwelaynaa, wadankiina wax u barta Wadankiina wax u barta, oo xambaara waajibkii Oo xambaara waajibkiisa Wahsan mayno, waaban mayno Warwareegi mayno, weeweecan maayno 2× Nolol wanaagsan, cadow ku adko Iyo barwaaqo, nabad lagu wadaago Ha ku waaro wadankeenu Wadankeenu waa wadnihii jidhkeena Waraabinaaya dhiigoo waan ku wardiyaynaa 2× Waxaan ahay waayaha aduunyada Waxaan ahay wadada la soo maray 2× Maalinkii waliba barbarka looga wooramoo Maalinkii waliba barbarka looga wooramoo Waxaan wacad ku marnay gayigiina wax u barta Gayigiina wax u barta oo ka jira waxyeelada Oo ka jira waxyeelada Waalidkeena wehelkeena iyo walaalaheenba Wiirada aan ka dhowrno 2× Wada dedaalka ha ka walaacin Waaxyaheena wada jirkeena Soomaali weynoo isku duuban waayo waayo Wadankeenu waa wadnihii jidhkeena Waraabinaaya dhiigoo waan ku wardiyaynaa 2×
Queue is empty
-- / --