VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aamina xamar - Lyrics

Aaaminaay dareenkii Dugsigeennii barashee Degmadeennii waaberi Adoo ubax dillaacoo Araggana u daawoo Dumar ugu nasiib badan Waalid kuu dadaalo Daacad kuu ahaa baa Diinta kugu barbaarshoo Quruxdiyo dadnimadiyo Degganidaad udhalataa Damacii i hagaagiyo Dookhaygu kula dhacay Hadalaan dadaayoo Dibnahaygu diidiin Inaan dibadda keenana Degdeggu mafiicna Dib u hay xishood yiri Aaminaa dareemiyeee Dadku yeey ogaan kale Anoo gaari wadan dadan Degaan dheer usii wadoo Duhur xamar kasoo baxoo Dooggu quruxdu leeyihiyo Daawanaaya kaymaha Rabbigu noogu deeqee Laga helo dalkeenoo Ciiddiisu dahab tahay Jawharoo dalxiisloo Dalaggiyo beerihii Durba wada baxeenoo Intuu dararay maalkii Dadku wada xamdiyayaan Duleedkii maan imaan Gabadhii i deeqdoo Dumar ay wehlinayaa Intuu daadkii helay xalay Webiga ay duljoogaan Sow daymo kuma arag Inuu caashaq idilayana Anigoon dareensiin Intaan daad gureeyaan Xaafaddii degmadii hodan Daaraddoodii geeyoo Intaan dawga sii waday Daawashadiyo hadalkeedii Sow quluubtu ima degin Dabadeed tacliintaan Ugu dhoofay dibadaha Intii aan dadaalaan Durba soo dhammeeyoo Dalsantii wacneediyo Xamar aan kasoo degay Aaminaad da'deediyo Hablahaba kaddoortee Doonaaayay guuriyo Aroos loo debaal dego Dadku wada ogaadaan Naftu hadal ay diidoo Udaran quluubtana Sow dareen kumaan helin Inaa dadab lagula jiro Middaan dumar ka caashaqay Warkii ay daldalayeen Dadku inaan dhibsanayana Wajigaa wax diidee Ka ilaashay daymada Illaa aan ka daba haroo Miyeey hadalkii daayeen Jacayl digashadiisiyo Dhibku igu dirqinayeen La daalaa dhacaayoo Doodaayo kaligeey Sow dariiqa gurigaan Dayr badan kunoolaa Intaan dawga geees maray Dib uraadintiisii Saacado maan daydayin Diifiyo harraadiyo Daalaan i haynbaa KuSoo degay naftaydoo Sida neef dekaamoo Xagla daaca socodkii Durba sow ma tabar gabin Inta dumar ahee nool Gabadhaan ka doortaay Inkastoon dulqaatoo Damminaayo caashaqa Dabka igu shidaayoo Daawada u ahayd kali Haddii hooy lagula degay Damiirkaa i celiyoo Dareenkayga garashadu Ducuu ku hibeeyee Dumar ugu saree abid Anna aan dawoobee Igu deeq allahayoow Gabar aan ku dega oo Diiniyo asluubloo Dookhana wadaagnoo Daacad u ah jacaylkoo Intaan dunidaba joogaba Idaryeesha weligeey Haddaan deydayaayoo Dadka kama aqaannee Ii dooor allahayoow Midda dumar igaga filan
Queue is empty
-- / --