VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Aamina xamar mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Suldaan Sareer
Aamina xamar

Aaaminaay dareenkii
Dugsigeennii barashee
Degmadeennii waaberi
Adoo ubax dillaacoo
Araggana u daawoo
Dumar ugu nasiib badan

Waalid kuu dadaalo
Daacad kuu ahaa baa
Diinta kugu barbaarshoo
Quruxdiyo dadnimadiyo
Degganidaad udhalataa
Damacii i hagaagiyo
Dookhaygu kula dhacay

Hadalaan dadaayoo
Dibnahaygu diidiin
Inaan dibadda keenana
Degdeggu mafiicna
Dib u hay xishood yiri
Aaminaa dareemiyeee
Dadku yeey ogaan kale

Anoo gaari wadan dadan
Degaan dheer usii wadoo
Duhur xamar kasoo baxoo
Dooggu quruxdu leeyihiyo
Daawanaaya kaymaha
Rabbigu noogu deeqee
Laga helo dalkeenoo
Ciiddiisu dahab tahay

Jawharoo dalxiisloo
Dalaggiyo beerihii
Durba wada baxeenoo
Intuu dararay maalkii
Dadku wada xamdiyayaan
Duleedkii maan imaan

Gabadhii i deeqdoo
Dumar ay wehlinayaa
Intuu daadkii helay xalay
Webiga ay duljoogaan
Sow daymo kuma arag

Inuu caashaq idilayana
Anigoon dareensiin
Intaan daad gureeyaan
Xaafaddii degmadii hodan
Daaraddoodii geeyoo
Intaan dawga sii waday
Daawashadiyo hadalkeedii
Sow quluubtu ima degin

Dabadeed tacliintaan
Ugu dhoofay dibadaha
Intii aan dadaalaan
Durba soo dhammeeyoo
Dalsantii wacneediyo
Xamar aan kasoo degay

Aaminaad da'deediyo
Hablahaba kaddoortee
Doonaaayay guuriyo
Aroos loo debaal dego
Dadku wada ogaadaan

Naftu hadal ay diidoo
Udaran quluubtana
Sow dareen kumaan helin
Inaa dadab lagula jiro
Middaan dumar ka caashaqay

Warkii ay daldalayeen
Dadku inaan dhibsanayana
Wajigaa wax diidee
Ka ilaashay daymada
Illaa aan ka daba haroo
Miyeey hadalkii daayeen

Jacayl digashadiisiyo
Dhibku igu dirqinayeen
La daalaa dhacaayoo
Doodaayo kaligeey
Sow dariiqa gurigaan
Dayr badan kunoolaa
Intaan dawga geees maray
Dib uraadintiisii
Saacado maan daydayin

Diifiyo harraadiyo
Daalaan i haynbaa
KuSoo degay naftaydoo
Sida neef dekaamoo
Xagla daaca socodkii
Durba sow ma tabar gabin

Inta dumar ahee nool
Gabadhaan ka doortaay
Inkastoon dulqaatoo
Damminaayo caashaqa
Dabka igu shidaayoo
Daawada u ahayd kali

Haddii hooy lagula degay
Damiirkaa i celiyoo
Dareenkayga garashadu
Ducuu ku hibeeyee
Dumar ugu saree abid

Anna aan dawoobee
Igu deeq allahayoow
Gabar aan ku dega oo
Diiniyo asluubloo
Dookhana wadaagnoo
Daacad u ah jacaylkoo
Intaan dunidaba joogaba
Idaryeesha weligeey
Haddaan deydayaayoo
Dadka kama aqaannee
Ii dooor allahayoow
Midda dumar igaga filan

codkii Suldaan Sareer