cirkoo dhudub biyo dhigay
dhool ku hooray dhulka hawdaka
dhir caleenle ubax dhashay
man dhalaalay dharab tif le
roob la dhacay dhul siraaday
dhaayo doogsi dhugashada
iiga dhigan axdi dhawra

waan la dhacay waan u dhaabtay
waan ku dhaartay dhal gob weeyi
dhaban xaadle dhay labeenle
lagu dhaashayoo dhalaala
xubno dhilan dheeli tiran
dhex la soohay dharar joogle
mid dheen dhool cadayntay
dhag ka siisaa la i dhex qaaday

waa dhamaysoo tan yari dhawrsan weeye
ku dhadhabay intaan xad dhaqaaqay
dhab jeclaadoo qalbiga dhaawaciisa
dhakhtar weeye a huuno dhayda maanka

yaa dhoofshoo ma dheera dhawr mar geeya
qaalmo dhalay dhoodir bunduq yaa ka dhiiba
waa dhabeele yaa dharkaynle dhoogle jawhar
yaa dharaar dhulka hooyo sii dhaqaaja

dhanka hobyo yaa u dhaqaaja sii dhaweeya
aroos dhahar yaa u dhigoo dhay ku soora
yaa u dhawrtoo sidii dhal caruur misana dhabta saara

dhawr ayaamo yaa ku dhaha dheeho saaxil
marka dhalin dheesho heelo dhaanto tunto
ubax dhiina yaa ugu dhiiba dhagax buur
yaa mar dhaafsha xeebta dheeree saylac dhaafta
oo dhansiiya dhayda carta dhadhan xoor le

Exit mobile version