gubadii nafteydaay
inkastoon gu yaal badan
gabdho aynigaagiyo
dumar ahaantood
aan ugooyay awgaa
gafna ma sameynine
calafbaa go aansho
meel fog ku geeyoo
gayn yadaan jeclaayee
guryo samo hargeysiyo
tog dheer goonyaheedaa
galbisyo aroos wacan
gaaf kuu qaban lahaa
gayigoo barwaaqo aa
geeliyo garmaan faras
gacalkiino siinoo
galad eebe weeyee
haduu eebe kugu simey
geesigii ku caashaqey
garabkiisa taagnow
ugardaadi ubad wacan
gobonimo kunoolow
ducaan guudka kuu sudhay
gucashadu ma fiicnee
waxan uga gol leeyahay
farxi gaari weeyee
ninkay guri ujoogtee
gogol kugula caweysoo
guul maanta gaadhee
gudo waajibkaagee
geestaada ka adkow
haguhaadin abidkaa
aday gooni kuu tahoo
guule kuu hibeeyay

Exit mobile version