aramida jacaylkaa
ulashada dareenka
naftii la ildaraysan
oo reenkiyo taaha
ayaamo ma dayso
ana kaa yahuuntiisa
qalbigay asiibtaaye
sida ayro geeloo
ilmaheeda doontoo
soonigan alwanayee
ee dantay ilaawee
aragaagu naftayda
abshirbuu u yahee
inta aad ifka joogto
ma adkaysan karoo
afka aan ku hadlaayo
amaantaada ma daayo
haniyeey udugaagu
cadar weeyi udgoonoo
intaynaan kala iilan
aqal aan yagleelnoo
aroos aan ahaanee
awlaad baari aduunka
in ILAAH nasiiyo
EEBE aan ka tuugnoo
aaya tiinka danbe
istareex nafteena
waynagaa barinee