dumar kala fariidsani
fadxiyaay aduunbaan
facaa kaa doortayoo
waliba kaa fiirsadaa
facaa kaa doortayoo
waliba kugu faanayaa

fahmooy hooyadaa iyo
fariidkii ku dhalaybaa
farxad kugu barbaarshoo
filkaa waad u sidataa

markaad iga fogaatana
ma fadhiisto meeloo
farxiyaay aduunbaan
intaa kaa fikirayaa

fiidmeerta duushiyo
kuwa wararka fidiyaan
faalada warkaygiyo
ku diraa fariimaha

faa'idada jacaylkuna
guurka fiican weeyee
ila fahan u jeedada

Exit mobile version