naf kuu doda
diiday ruux kale
dookh ku raaca
dareenkaage
dayro hay odhan

dabuukhtaada
waxay damisaa
dabka igu hura
waxay daarta
dalka darajada
doorka nolosha
a iga daadagine

daymadaadan
ku daawoowa
farxad daahira
huuno ku dareema
oon dawyooyadana
kaga doogta
daalka biiso
xanuunka diisho
dib u soowe

qalbi kugu dagay
oon ku dayn karin
baa ku doorbida
oo ku door bida
diiqad yuu galin

raadsida waay darata
odhaah diirano
waxay dalbataa
dugsigaaga iyo
daryeelkaage
bal uso dabaclee

daymadaadan
ku daawoowa
farxad daahira
huuno ku dareema
oon dawyooyadana
kaga doogta
daalka biiso
xanuunka diisho
dib u soowe

Exit mobile version