ninka geed hadhwayn laga siiyaya gabadh
gudi odayaal gacan qaad ka helay
oo gabaati iyo geel dhalay u huray
oo geenyo ladan iyo geeyay adhi
waa guul la hubo iyo guul haboon

hido gaar ihiyo waa dhaqan gar mudan
soo galbiyoo soo guuriyoo
gabay aayo liyo geeraar hantiyay
heelalooy hoobooy xamdaay adigaa hantiyay

inan gariyoo dhalay geesi wacan
gaydhiyo cadhiyo aan guhaad la barin
geengeen carmarin golos iyo xariir
garaaryaha wacan xaadiyo gardho le
laan gugu baxshoo qurux lagu galaday

Exit mobile version