asluub iyo dhaqan habaysan
adaa ku hirtoo hogaansan
xishoodiyo diin hagaagsan
adaa huwadoo hogaansan

habeenkaynaan is arag
hugiyo maryahaan xidhiyo
naftaydaan hiifayaa
hurdana ma ladoo
ma ladoo ma seexdee

koobkii quruxdii hablahana
nawaal adigaa hantiyoo
hinaase qofku hayaw
ha cawryine indhaha ka dado

hawraar murtiloo i deeqda
adaa ku hadloo yaqaana
dulqaad iyo hayal samaan
aduu RABI kuu hibeeyay

hoobaan dhalataay hablaha
hadii qurux lagu amaano
halbaad dheertahay dhigaaga
horjagaagaa i deeqoo
ii deeeqee nawaaleey i deeqee

Exit mobile version