inta aad kunooshahay
wadnahayga aagiis
ma dareemo urugoo
awoodaydu waa taam
waxaad iga dabiibtaa
cudur aan diktoor arag
odhaahdaada mooyee
irbad aan lagu durin
dhaayahaa ku eegtoo
iftiinkaaga daawada
oo intaa waxaa dheer
kartidiyo adaabtoo
afar baad udhigantoo
waan ku aaminsanahee
hoo ubaxa caashaqa
afarbaad udhigantaa

intaad ileedahay
ifka noloshu waa adi
istareex daraadii
ilintaanan celin karin
waxaad oon tiraysaa
naftan adiga kuu nugul
waxaad ababinaysaa
jaceyl aad uqiime leh
dhaayahaa ku eegtoo
iftiinkaaga daawada
oo intaa waxaa dheer
kartida iyo edaabtoo
afar baad udhigantahee
waan ku aamin sanahee
hoo ubaxa caashaqa
afar baad udhigan taaye
dhaayahaa ku eegtoo
iftiinkaaga daawada
oo intaa waxaa dheer
kartida iyo edaabtoo
afar baad udhigantahee
waan ku aamin sanahee
hoo ubaxa caashaqa
afar baad udhigan taaye

Exit mobile version