Qof xumi intuu dunida joogo
Qilaaf laga waayi maayo
Warqaad iyo diro diraale
Lamaane intuu qasaayo
Is qabad laga raysan maayo

Qalbiyo isku soo dhibtooday
In badan samir quudanaayay
Inay is helaan sii qorshaystay
Noloshoo qormoo sii astaystay
Dadbaa jira quudhi waaya
Dadbaa jira quudhi waaya

Quluub adagaa namiimku
Qalbina ma leh xaasidiintu
Qaarkood dhagaxaa ka roone
Quraan iska saar sharkooda
Qardhaasna ka xiro hooy hooy
Qardhaasna ka xiro xijaaba
Qardhaasna ka xiro hooy hooy
Qardhaasna ka xiro xijaaba

Qarniganay soo bateenee
Qoom kasta waa laga helaayay
Qarbeed iyo naar afuufeed
Qas wada diintana maade
Xaasidka lagu sheeg quraanka

Farxada laba qaadanaaya
Dareen dhaba qaybsanaaya
Dadbaa jira quud dareeya
Cudurka naxligay qabaane
Jacayl quwad lihi ma liico

Quluub adagaa namiimku
Qalbina ma leh xaasidiintu
Qaarkood dhagaxaa ka roone
Quraan iska saar sharkooda
Qardhaasna ka xiro hooy hooy
Qardhaasna ka xiro xijaaba
Qardhaasna ka xiro hooy hooy
Qardhaasna ka xiro xijaaba

Exit mobile version