laylaay gacalooy walaal
gobaad quruxeey walaal
gayaanka hadaad ridwaad
guri iyo raas wada dhisteen
ducaan guudkaga sudhay

markaan gaagaxo ayahiin
ma gudho abdiidkii ma gudho
ma gaasiro caashaqiino
dhaxdiinuna miim ma galo
dad xunina inama dhex galan

guurkiinu midkii badhaadha
galbiskiinu midkii riyaaya
lamaana caruur gardaadsha
gob iyo isku ahaada gabee
isgarabsada kuwii isgarabsada
waligiin ahaada

laylaay gacalooy walaal
gaaridii ila dhalataayee
haduu guuluhu rudwaan
calafku garabkaaga joogshay
ducaan garabkaaga sudhay

ma gabashiyo xiisihii
ma gudho abidkii ma gudho
wanaag labadii gudooma
barwaqiyo guula gaadha
mawluhu noqdaa
gabala siiye

guurkiinu midkii badhaadha
galbiskiinu midkii riyaaya
lamaana caruur gardaadsha
gob iyo isku ahaada gabee
isgarabsada kuwii isgarabsada
waligiin ahaada

Exit mobile version