nimcooy nuurkii ifkaay
naqiyo rays lagu nastaay
naruuro la hiigsadiyo
nalkii laguu hortaay
nasabiyo ruux gobaay

neecaw aan ku doogsadaay
naxasriistii aan helaay
midaan ku nagaadayeey
dhisaay nolashay dhisaay
dhisaay noloshaydiiyeey

nimcooy noloshaba hortaa
kumaan nasanoo ma helin
nasab adi kula midoo
quruxda kula nooc ahee

nasteexadii maanka iyo
midaan ku nagaadayeey
rajada noo noolaysayee
naliyo nuur ii baxaay
nudaha beerkiyo xiskaay

naqiyo roob ii da'aay
naftayda naftaydeediiyay
midaan ku nagaadayeey
naflaha iga deeqdayeey
dhamaan iga deeqdayeey

nimcooy noloshaba hortaa
kumaan nasanoo ma helin
nasab adi kula midoo
quruxda kula nooc ahee

Exit mobile version