gob quraysha iyo
gari qaayo laho
qayrkeed hablaha
qiimo dhaaftayo
aan quluubta xumo
kuba qaadanayn
qofkan kaalay arag

qof wanaagsano
aan qab weynidiyo
lagu qeexin kibir
iyo waliba qaxar
qoftan kaalay arag

qudhay saaqdayo
waan qalanaho
qoroxdani iftaa
kashii qaadatayoo
qiiro igu ridee
qoftan kaalay arag

qalanjadan bal arag
quruxdeeda arag
oo qiyaas bal arag
qabkeeda arag
qoortan dheer bal arag
qosolkeeda bal arag
qoftan kaalay arag

quman hooda liyo
geenyo qaayo lehiyo
xurmo iyo qadaran
ku qormaysanoo
qaabked dhugtee
qoftan kaalay arag

qowl dabacsano
aad u qiimo badan
oon qalad ku jirin
qani bay ku taho
dhabtii wan u qiree
qoftan kaalay arag

qudhay saaqdayo
waan qalanaho
qoroxdani iftaa
kashii qaadatayoo
qiiro igu ridee
qoftan kaalay arag

qalanjadan bal arag
quruxdeeda arag
oo qiyaas bal arag
qabkeeda arag
qoortan dheer bal arag
qosolkeeda bal arag
qoftan kaalay arag

Exit mobile version