waa quruurad caashaqu dhalo weeye qiima le
yartii la igu qoofalay ila qabanba waydee

gabadh qaaliya iyo quman weeyi haween
qosolkiyo aragee timihiyo aragee
timihiyo edebtee quruxdeeda jidhkiyo
qaab dhismeedka dhamaan
qacdii aad aragta kalgacayl ku qabtee
waadigaa u qarwee quudkiiba aad ka go dee
rabi qaadirsanaa yartu qaalisanaa
qalbigaagu caashaqa misna qaadan ogaa

qosolkeedii shalay galab anigaba i qaadyoo
qunyar seexadaan idhi qarawgeediiba idilay

wixii aad qarsataa nafta qoon ku noqdee
adigoon u qastiyin qolqolkaad socotaa
indhahaagu qabteen qaali faafan ku nool
ama sama qoraxay ama qaab la gudbee
qaadirkeed u sameeyay ayaad oo qabanoo
qaadigii marayoo qol dugsool la galoo
u qorshee ku dhahana yartu qaalisanaa

Exit mobile version