suurad wacan ruux sidaada
quruxna lagu sooray sidaada
dabcina lagu simay sidaada
somaali kamay dhalan sidaada

gabadh sumcadloo sidaada
kartina lagu sugo sidaada
sinjiga gob ahoo sidaada
indhaha maan saarin sidaada

raaliyo samir badan
sidaada ifraaxeey
sawjad laga dhigtaaye

sifaha laba ruux sideena
si dhaba isu jecel sideena
saacadna kala maarmin sideena
sinaba uma kala hadhaan
sideena sideena
sinaba uma kala go'aan

laba wada siroo sideena
dulqaad laga simay sideena
axdiga wada sidoo sideena
rabina saacida sideenaa

Exit mobile version