guul dhalatayo timid
galabtana jacaylkii
ibshir iyo hilaal galay
gambiskoodiiba dhacaye

waa labo gayaankiyo
gayigiba u meeq dheer
waa gari edeeb badan
isna geesi weeyan

waa gobtii dhaanaaniyo
qabri dahar gayiga wacan
lagu gardaadsho
waa dhashii bandaagal dhalaye

nasibkiinu guuluhu
guul idinku gaadhsi
gacal iyo sokeeyuhu
galbi caaashaqiini
gurigiinu noqoyoo
lagu wada gam'oo
awlaad garasho dheero
diinta wada fidisa
rabi gaar idiin sii

geeye weeye aragtida
garashadu u dheer tahay
waa ruux garaad badan
misna aan la gaadhayn

isna guul wadeeniyo
waa halyey la goobo
garanaaya samahoo
xilku qaaday gudi kara

waa gobtii dhaanaaniyo
qabri dahar gayiga wacan
lagu gardaadsho
waa dhashii bandaagal dhalaye

nasibkiinu guuluhu
guul idinku gaadhsi
gacal iyo sokeeyuhu
galbi caaashaqiini
gurigiinu noqoyoo
lagu wada gam'oo
awlaad garasho dheero
diinta wada fidisa
rabi gaar idiin sii

Exit mobile version