samiiraay qaladkaagan
hadii aan qiranayn
naftu miyay qancaysaa
qolbay ku xidhantoo
qufulbaaba saarane

qaarbaa dabcigoodiyo
dabeecadoodu qalafsantoo
alle wuxuu u qoray iyo
quraankaa kariimka ah
qawlkiisa oofiyoo
raalinimo qaatoo
ragood ku qaylinoo
wax xun u quudhinoo
aduunyadan qiyaaliga ah
jano qurux ka doortee

samiiraay qof ku jecel
qalbiga ha ka jabin
qofkii isla qab wayn
qabribaa sugaayee

hadii aan la is qadirinayn
qoys miyuu dhismaayaa
dumarku waa feedh qaloocan
is idhi ku qiimee
maxaa qaali kaa dhigay

Exit mobile version