farxa qaalidii dumar qoraxay dhexdeediyo
qabri dahar ku noolayd ee shinbir hadalka qaadiyo
ku qadarisay erayada qisadiyo micnaha sida

waxan qalinka goor dhexe oo habeenka qaar tagay
ugu qaatay xaashida inan sida qardhaastii
samir qoorta kuu sudho

in katood qadarisood qalbigaaga kaligeed
ku qaabilatay meel adag quusoo caloolyaw
yuu ku qaadin waligaa

hadaan qeexo sheekada kala qaado ereyada
quman waa la guursaday oo ninbay u joogtaa
qormaan wacan u gogoshaa ooy quud wadagaan

waxan caadilka u qorin ruuxii qorshaystaa
marka ay qalibantuu dib u qoomameeyaa
intu qaxar u soo maray

Exit mobile version