Markaan samsameey indhaha
La helay suuradaada wacan
Adaa laabtiyo sadriga ku ladhay
Ku ladhay saxansaxo jacayl

Samsameey haybadiyo xishood
Adaa dumar ugu sitoo
Cid kula siman lama aragey
RABIGA kugu saacidaa
Sadqaybsigeena aqbalayee

Markaan samsameey hablaha
Adiga kaa soocdaybaan
Sareediyo libin heloo
Jacaylkan samada iyo
Siraadkiyo nuurka badan
Nasiibkaa na siiyaybaa
SAATIRKA ugu mahadiyaa

Hadaan samsameey anigu
Quruxda SAATIR kugu galaday
Sideeda u sheegi lahaa
Suugaan kum koobi karo

Asluub RABI kugu sadiyo
Dabeecadaan saxar lahayn
Adaa samsameey sitoo
Salaantaadoo qudhaa aniga
Sooryo iiga wacan

Exit mobile version