VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ugbaad - Lyrics

ubax biyo ku yaalaad tihiyo qorax iftiintaaye aynigeedna gabadhaan xushaad tahay ugbaadeey indhaha ku doogsada kolkay adi ku dheehdaane anigoon arooskaaga dhigin EEBE kuma qaado EEBE ima qaado anshaxaaga wacanbaan runtii ku istareexaaye dhaqankiyo edebtiyo milgaha EEBAA kugu sooree waxaad dhaaftay aadmiga kartida iyo aqoon dheeree aduunyada ku naalood macaan waan ku aaminayee wuu ku aaminayee arimaha jacaylkana hortaa ruux ma caashaqinee aayahaygaa noloshaad tahay iyo ilayskiiyee i ilaali axad kale ifkani ii cuntami maayee af madaw ilkaha siman timaha adhaxda gaadhay dhererka indhaha wayn kubkiyo qaab abuurkaaga CASIISkaa idleeyoo ma arag iin aad leedahayee aaga faafan inan laga helaa sow adiga maaha aqalkaad ku ababtaa ahaa baydkii awliyee asal dhalad waxaad tahay runtii ahlu khayrkiiyee isir raacday hooyadaa dul badan aabo kuu dirane aniguna ayaan qudha ma lado adi la'aantaaye
Queue is empty
-- / --