VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ugbaad mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Suldaan Sareer
Ugbaad

ubax biyo ku yaalaad tihiyo qorax iftiintaaye
aynigeedna gabadhaan xushaad tahay ugbaadeey
indhaha ku doogsada kolkay adi ku dheehdaane
anigoon arooskaaga dhigin EEBE kuma qaado
EEBE ima qaado

anshaxaaga wacanbaan runtii ku istareexaaye
dhaqankiyo edebtiyo milgaha EEBAA kugu sooree
waxaad dhaaftay aadmiga kartida iyo aqoon dheeree
aduunyada ku naalood macaan waan ku aaminayee
wuu ku aaminayee

arimaha jacaylkana hortaa ruux ma caashaqinee
aayahaygaa noloshaad tahay iyo ilayskiiyee
i ilaali axad kale ifkani ii cuntami maayee

af madaw ilkaha siman timaha adhaxda gaadhay
dhererka indhaha wayn kubkiyo qaab abuurkaaga
CASIISkaa idleeyoo ma arag iin aad leedahayee
aaga faafan inan laga helaa sow adiga maaha

aqalkaad ku ababtaa ahaa baydkii awliyee
asal dhalad waxaad tahay runtii ahlu khayrkiiyee
isir raacday hooyadaa dul badan aabo kuu dirane
aniguna ayaan qudha ma lado adi la'aantaaye

codkii Suldaan Sareer