geesigii ila dhashiyo
walaalkay dhaboow
dhawaqa sacabkay
ayay dhaguhu maqlayaan
dhamow farxadaadiiba dhalise
dhambaal hambalyoo
dhaxal gala iga hoo

adaa dheemaney
dhinaca muqdishiyo
balcad ku dhashoo
dumaashi dhamays
dhaqan leh baa taho
dhiga deeqaay
waxbaad dhertoo
bageed dhawrsaneed
walaalkay u dhaxee

dhismaha qoyskaad
u sees dhigateen
ku dheehan jacayl
dhalaal badanoo
ku dhaabo wanaag
la dhaadi karo
ubad dheef badan
kuwii isu dhala
kuwii is rugtiyo
dhiskii lagu dago
rabigu ha ka dhigo
dhig iyo udub jira

dhamays qurux lehiyo
ku dhaan dirane
ubax dhiiniyo
dhalaal badane
dhabtii deeqay
liibad dhaxasho
aduu khaalid
dhediga ka xushey

allow dhidibkii nigiisa tahe
allow dheeliga
dhibaato u diid
xul isku dhiganoo
is dhowrtaa tihiin
allow dhalanteed
wax dhiima u diid
baguu dhalin yahay
dhawlkiinan curtee

Exit mobile version