VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waxaad jiiftaa wadnaha - Lyrics

Janooy wehelkaygiiyeey Jawiga farxadee naftaay Yartaan dunidaba jantaay Xubnahan igu wada jiraay Wuxuu jacaylku iga ba'aa Markaad ila joogto oo Joog dheer jiidhkaygaygiiyeey Rajada jaarbaad u tahay Jacaylka Riyada joogtaad ku tahay Naftaad ku jixaasantahay Wadnaha jeexiisiiyeey Jacaylkana adaa iska leh Qudhaa adi kula jirtoo Waxaad jiiftaa qalbiga Waxaad jeexatay wadnaha Lubiga adigaa ku jalan Dhabna waan kuu jecelahay Arwaax ani igu jirtaay Jahada noloshaydiiyeey Ruuxda iigu kaa jirtoo Runbaan adi kuu jecelahay Waxaan naxariis jaqaa Markaad ila joogto oo Joog dheer jiidhkeediiyeey Rajada jaarbaad u tahay Riyada joogtaad ku tahay Naftaad ku jixaasantoo Wadnaha jeexiisiyeey Jacaylkan adaa iska leh
Queue is empty
-- / --