xurmiyo garashiyo wanaag
xaqdhawr wacaniyo dulqaad
hidiyo dhaqaniyo xishood
midii lagu xeerayeey

xabiibtaan doonayaay
markaan xubiyeey ku tabo
jidhkaa xubin xubin u kacoo
xusuustaada qalbiga
ku soo wada xaadirtoo
xasilay goortaan ku helay

xariirta la daawadiyo
iftiinkii xamar bilaay
xulkii quruxdaad tahee
miyay xubiyeey cid kale
macaan ku xaqiri kartaa

adaa xilkasnimo ku wacan
xan iyo kuma galo masayr
xogteenana nacab ma helo
gobaad tahay xila janooy

intii xusulkay xabaal
xaqiiq ka sareeyo’oo
dunida xay aan ku ahay
xilkeenoo aan gutiyo
qoyskeenoon xuman ka jiro
ayaan u xil saaranee
xasilay goortaan ku helay

Exit mobile version