xidigtii haweenkiyo
haldhaa qurux u dhalataa
nin helaa dadka ugu horeeyoo
halyaynimo ku faane

hadafkaiyo u jeedada
aniga oon hareer marin
hablaha tii ugu wacnayd
nimay u hoyotoo
hagar li'i ku seexdoo
hanqal taaginban ahee

heerkaan maanta joogana
amuunbaa ii horseedayo
raga iga hor marisaye
rabow hiiliya haween
rabow rabow anigaa helee
rabow il xun iiga hay amuun

hormuudkii dumarkiyo
geenyadii hablaha kacay
anigaa hantoo geed hadhac le jiifo
hamigaygu waa guur

Exit mobile version