Xiskaygiyo maanka
Adaa ku xariiqan
Adaa xubi doora
Xasuusta ku deeqay

Adaa i xanaansha
Xaqdhawrna isiiya
Adigaa i xanaansha
Xaqdhawrna isiiya
Adaa xaladeeya
Nolosha xarakeeya
Adigaa xaladeeya
Nolosha xarakeeya

Naftayda xis beera
Suldaanaadaa xaq u yeeshay
Seeraada xasilooni
Suldaanow kashayda xorystay
Kashayda xoraustay

Adaa ku xinaystay
Nashaad xareeda jacaylka
Adaa xuural caynta
Xishoodka wax dheer
Xishoodka
Xishoodka wax dheer

Xidhiidhka dhexdeena
Anaa xagal daaca
Xabiibi u diida
Intii xaasadkeena
Xanteena ku naaxda
Xagayga colaadsha

Xidhiidhka dhexdeena
Anaa xagal daaca
Xabiibi u diida
Intii xaasadkeena
Xanteena ku naaxda
Xagayga colaadsha

Exit mobile version