Dunidoo dhan taan
ka arkanaayaay
Taan aawadeed
U il darnaayeey
Ma ogtahay markuu
Uurku ku xasuusto
Ma ogtahay in la ikaa agkeenaayo
Heedhe inaabti abaayo
Abaayey hunoo
Kuu imiye waykane
Ha ooyin
Iimaanka deeqdana
Ha ilmaynin
Anba kula midbaan ahaye aamu
Oogadiyo adhaxdii jidhkaygaay
Adigiyo aqoontii naftaydaay
Ma ogtahay adoo
Ilo biyo le jooga
Ma ogtahay dartaa
Inaan u oomanahay
Heedhe inabti abaayo
Abaayey huunoo
Ha iloobinoo umul
ha qaadin
Amba kuma ilaawine
I aamin
Axdi baa inoo xidhane aamu

Exit mobile version