Sida dhool arooryo
Dadku dhawrayee badi
Saqdii dhaxe intuu miray
Iga dhigay dhulkiiyo
Markii aan ku dheego
Dhaayaha ku saaraa
Jacayl igu dhamaadaa

Dhunigiina diidoo
Dartabaan udhuubtee
Ila dheelmay caashaqa
Aniguna roodaay
Waxaan dhowrayaa
Inaan reer dhisnoo
Ubad ii dhashee
Haleey halaloo haleey

Sida laygu kaa dhigay
Ama aad iigu dheertahay
Nafkaloo dhigaaga
Danteena uma furin
Adoon talada dhinac marin
Nafta dhiira galiyoo
Ka ilaali dhaawaca

Dhadhabaa habeenkii
Kaa dayaa dhankaygo
Dhugashadaa ku daale

Exit mobile version