Dhaxnaanshii naftaydoow
Dharaartaan is baranaa
Baryo ka dib kalgacalkiyo
Nolol wada bilawnaa

Dhaxnaanshii naftaydoow
Dharaartaan is baranaa
Baryo ka dib kalgacalkiyo
Nolol wada bilawnaa

Beylaha nuuc kastoo tahay
Rabi iga kaa badbaadshoo
Adigaa rag badhadheeyay
Adigaa rag badhadheeyay

Beylaha nuuc kastoo tahay
Rabi iga kaa badbaadshoo
Adigaa rag badhadheeyay
Adigaa rag badhadheeyay

Han kalsooni buuxdiyo
Balan qaad ku siiyee
Ilaw maxamed sanadiyo
Hadaad bilo maqnaataba
Hadaad baqayr buurta galiyee

Han kalsooni buuxdiyo
Balan qaad ku siiyee
Ilaw maxamed sanadiyo
Hadaad bilo maqnaataba
Hadaad baqayr buurta galiyee

Kaa dheeri maayoo
Markaad dheerayd samadan
Kugu baaqay maantee
Ii kaalay beerkiyoo
Boga aan ku saaroo
Boqol geel ku dheehdee
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay

Kaa dheeri maayoo
Markaad dheerayd samadan
Kugu baaqay maantee
Ii kaalay beerkiyoo
Boga aan ku saaroo
Boqol geel ku dheehdee
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay

Anigaba bogsiiyaay
Barqadaynuu kulanay
Boholyowga caashaqu
Inaan wada baneeyaan

Anigaba bogsiiyaay
Barqadaynuu kulanay
Boholyowga caashaqu
Inaan wada baneeyaan

Ninkay raas barwaaqiyo
Baray sharafi taalo
Adigaa u mudan bilays qaali
Adigaa u mudan bilays

Ninkay raas barwaaqiyo
Baray sharafi taalo
Adigaa u mudan bilays qaali
Adigaa u mudan bilays

Aan bareerahaygiyo
Kuu bandhigo xogtaydee
Hadaan baajin karo aboo
Fartuun kaa banayn karo
Baashaadaan marin lahaa

Aan bareerahaygiyo
Kuu bandhigo xogtaydee
Hadaan baajin karo aboo
Fartuun kaa banayn karo
Baashaadaan marin lahaa

Barinkaad ku dhalatoo
Baladweynaan gacalooy
Barqadiisa jecelee
Ii kaalay badankiyoo
Baabacada i saaroo
Igu qabo wadnaha bidix
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay

Barinkaad ku dhalatoo
Baladweynaan gacalooy
Barqadiisa jecelee
Ii kaalay badankiyoo
Baabacada i saaroo
Igu qabo wadnaha bidix
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay

Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahay
Waad igu banaan tahayee
Waad igu banaan tahayee

Exit mobile version