dunidan sideedaba
caashaqbaa durdurayoo
diihaal jacayl anigaa la darisee

intuu shalay ku daray
ana saaka ima dagin
daandaansi dheeriyo
dabin sow imuu dhigin

dumar taan ka doortaay
dooqii naftaydaay
kuma dayn karaayee
ila garo danteenoo
daadihi jacaylkaa

duhuriyo habeenkii
dantaydii seegoo
daydaygaaga awgii
dadku ma ila yaabeen

da'deed uga fil roon
ma daneeyo ruux kale
dayax shan iyo tobanaay
kaalayoo i daawee

Exit mobile version