hobeeya hobeeya hobeey

fariintaad soo dirtaan
qalbiga dawo uga dhigaa
hadalka kii dabacsanbaan
wadnaha ku dabiibayaa
adaan dumar kaa xushee
miyaan dadba kula simaa
daruur curatay miyaan
marnaba kaa sii durkaa

hadii dookhiyo kalgacal
dunida loo wada tartamo
jacaylkuna dawlad yahay
adaan ku dooran lahaa

hobeeya hobeeya hobeey

daymada aragaagabay
indhahaygu ku doogsadaan
dareenka ku raacaybaan
dugsiiya khadraay u tahay

wadnaha dalanbaabiga ah
miduu ku dagaad tahee
daryeel badaneey miyaan
cidnaba kugu doorsadaa

Exit mobile version