jacaylkan igu laxaadmay
la'aantaa la nuuxsan waaye
haduu laylana qabriga dhigay
miyaan ladaydaa la'aantaa
laxawgan igu siyaaday
ayaan ladaneey la tiicay
lilaahi waan la liitaa
miyaan ladayaa la'aantaa

la jeceleey inaad tahay
lilaah anaa laylkan qiraayoo
waxaad tahay naf loo hilooboo
dhabtii nolol lala wadaagoo
noolaha arladan nool
adaan kaa naawilaaye

labo labaa loo nolaadaa
qalanjooy lamaane ii noqo
xabiibi soo rogaal celi
miyaan ladayaa la'aantaa
laantii caashaqa aan beernay
ayaan wali kuu lulaayaa
usoo laabo xayaatii
miyaan ladayaa la'aantaa

Exit mobile version