inaad asal tahay ayaan badaneey
inaad ubax tahay udgoon badaneey
waliba aynigaa u roontahayee

inaad abyan tahay asluub badaneey
inaad aqoontana iftiin tahayee
aduunkana kuu jeclahay

indhuhu adigay ku eeganayaan
adigaan erayada amaan ku tirshaa
odoros kalgacayl abaabul u galoo
adaan aadmiga uumiyaha kuu jeclee
ogow caashaqa ogow

sidii ololkaan in dheer ka arkaa
sidii eegankaan ku oonbaxayaa
adaan anfaceey ku doogsanayaa
adaan deeqaay ku doogsanayaa
sidii ufo roob arooro da'diyo
xareeda afkoo balayga il xidhay
eegmada kalgacayl adaa igu wayn

Exit mobile version