Diiftiyo Xanuunkiyo
Dibindaabyo Iyo Hawl
Dhalan Dhoolka Waayaha
Daalkiyo Dhibaatada
Diihaalka Caashaqa….2X

Anigoo Dareen Qabin
Dusha Iga Wareemayoo
Iga Lumiyay Dawgee…..2X

Waxaan Doonayaa
Dagmadaadku Nooshoo
Waxaan Deydayaa
Daggankaad U Guurtayoo….2X

Waan Ku Daba Socdaa Wali……2X

((BOGGA LABAAD))

Doogtii Kalgalkiyo
Dakharkii Fogaadaa
Damqashada Abuurayoo
Dalanbaabi Baan Ahay
Daalaa Dhacaysee….2X

Adigaan Dabiibiyo
Dawo Kaa Filaayoo
Iga Lumiyay Dowgee…..2X

Waxaan Doonayaa
Dagmadaadku Nooshoo
Waxaan Deydayaa
Daggalkaad U Guurtayoo…2X

Waan Ku Daba Socdaa Wali….2X))

Lyric by Dayran Omar

Exit mobile version