ilayn caashaq cududiyo
kaa galay calooshaa
hadaan ciirsi loo helin
cidi kaa dabiibayn

hadaad duni cawaysana
marbaad calaw waraabtaa
ood ciid mudataa
calaf waa hakiisee

waxse ila cajaa'iba
anoo caada marayoo
cadceedsaday jacaylkii

ilayn caashaq halisiyo
cawo iyo dharaaruu
ninba caymadkuu yiil
waayuhuu ku caasiyay

adoo cago gobyoodoo
camar yarida aadmiga
codku uu ku dhibayay
farxad kugu ciyaaraan

Exit mobile version